Somaliland oo ka soo horjeesatay Isbaheysi looga dhawaaqay dalka Sacuudiga (Akhriso)

Somaliland ayaa si cad uga soo horjeesatay isbaheysiga dalalka Carabta iyo Afrika ee saran badda Cas oo looga dhawaaqay dalka Sacuudiga.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa lagu sheegay ineysan aqoonsaney isbaheysigan iyagoo sabab uga dhigay inaan lagala tashan.

Somaliland ayaa sheegtay inaysan marna wada shaqeyn la yeelan doonin wadamada ku teedsan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed ilaa inta laga aqoonsanayo madax banaanida ay ku dhawaaqday 29 sano ka hor.

“Jamhuuriyadda Somaliland waa dal madax bannaan oo xor ah, dal kale uma daba fadhiisanayso Xuduudaheeda Badeed” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasaarada arrimaha dibeda ee Somaliland.

Isbaheysigan cusub ayaa waxaa xubno ka ah illaa sideed dal oo isugu jira carab iyo Afrikaan, kuwaasoo ku teedsan Badda Cas iyo Gacanka Cadan, waxaana qorshahan uu qeyb ka yahay dadaal la doonayo in lagu xoojiyo iskaashiga iyo is dhex galka dhaqaale ee Gobolka iyo Xaqiijinta amniga marin biyoodyada muhiimka ah.

Dalalka Saudi Arabia, Sudan, Somalia, Jabuuti, Masar, Urdun, Yemen iyo Eritrea ayaa saxiixay Axdiga Golaha, waxaana dowlada Somalia u saxiixay wasiirka arrimaha gudaha Somalia Axmed Ciise Cawad.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA SOMALILAND OO ENGLISH KU QORAN

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -